TOP NEWS:- Taliyaha Booliska Dharkenley iyo Askar ka tirsan AMISOM oo lagu dhaawacay Degmadaasi

0

Taliyaha Booliska Degmada Dharkenleey,Jimcaale Cabdow Max’ed, iyo labo ka mid ah Askarta AMISOM ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn ka dhacday Xerada Badbaado ee Degmada Dharkenley.

Ciidanka Booliska ee Degmada iyo Ciidanka AMISOM oo howgal  ka dhan ah Burcad dhac ka geysta Degmada halkaasi ka waday ayey isku dhaceen waxaana ay uu khasaare ka soo gaaray Taliyaba Booliska ee Dharkenley iyo Askarta ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Nigeria.

Dhaawaca Taliyaha iyo Askarta AMISOM ayaa la geeyay xerada Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xaruntii hore ee Jaamacadda Umadda,halkaas oo lagu dabiibayo.

Saraakiil katirsan Maamulka Degmada ayaa u xaqiijiyay Mustaqbalradio,in Taliye Jimcaale uu dhaawac fudud  ka soo gaaray gacanta sidoo kalena Askarta Nigeria oo midi Haweeney tahay dhaawac ka soo gaaray halkaasi.

Ciidanka ayaa ku dabajiray Koox la sheegay in ay xalay dhac ka geysteen Xaafadda Salaam ee degmadaasi,kuwaas oo dhacay Computerro iyo Taleefannada gacanta oo ay ka qaateen Dhallinyaro ku jiray goob Internet-ka laga adeegsado.