Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Shinwaa agnency mas’ul darajadiisu sareyso oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Afrika Ee Somalia ee Amisom, ayaa shaaca ka qaaday in Amisom ay kala shaqeyn doonaan ciidamada amaanka dowladda soomaaliya siddii looga horti lahaa in xarakada Al-shabaab ay carqalad ku noqoto howlaha doorashooyin ee qaran ee dalka ku soo food leh.
Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee guddomiyaha komishinka Midowga afrika ee soomaaliya Lydia Anuoto ayaa ka sheegay shir gaar ah oo looga arrinsanayay aayaha qabsoomiida doorashada madaxtinimo ee dalka, in laga gaashaaman doono wax kasta oo carqaladeyn ku noqon kara qabsoomida doorashada.
Dowladda soomaliya ayaa dhawaan sameysay guddi shaqadoodu tahay nabadgalyada,si ay u caawiyaan amaanka nidaamka doorashada loo mudeeyay bilaha septemper iyo October ee soo aadan, iyadoo awoodaasi ciidana ay matali doonaan ciidamada ka Amisom ee dalka jooga kuwaas oo kaashanaya ciidamada dowladda federaalka.
Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee guddomiyaha komishinka midowga afrika ee soomaliya ayaa tilmaamay in ciidamadaani gaarka ah ay awood u leeyihiin garashada waxa ay sameyneynayaan iyo sida uu yahay dha-dhaqaaqoodu si loo xaqiijiyo awooodeena sugida amaanka doorashada .
Kooxda kormeerka doorashada qaramada midoobay ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dusha sare kala socon doonaan qaabka ay u dhaceyso doorashada soomaliya 30-ka bisha October iyo tan baarlamaankiga ah oo iyaduna ku aadan 24 bisha sempemper ee sanadkani, taasoo Socon doonta illaa 10 october.
Taliyaha ciidamada midowga afrika u qaabilsan soomaliya osman Nor ayaa sheegay in la fududeyn doono qorshaynta iyo u diyaar-garowga dadaalada amaanka gaarka ah iyo geedi socodka loogu tal galay si loo yareeyo saameynta xarakada Al-shabaab ay ku yelan karto isku duwida doorashooyinka.