Warar hoose oo laga helayo xubnaha guddiga Doorashada ee Heer dawlad gobaleed ayaa sheegaya in dhawaan Isimadda Puntland lays kugu keenayo caasumada Puntland, iyagoo go’aan ka gaaraya doorashada xubnaha Puntland uga qeybgalaya Labada Aqal ee dawladda Faderaalka ee SOomaaliya.
Saraakiil kamid ah Guddiga Doorashada ayaa sheegay in arrimaha sida aadka looga hadli doono ay ka mid yihiin nooca ay noqon doonan dadka ladoonayo in ay soo doortaan xubnaha labada Aqal.
Guddiga ayaa dadajinaya qorshaha doorashada, maadaama xiliga la qabsaday ay mudo kooban ka hartay, isla makaasna ay soo bixi karaan musharaxiin badan oo u taagan qabashada Xilalkan.
Isimada ayaa ah kuwa ugu dambeeya ee xaliya arrimaha ku saleysan Nidaamka Qabaa’ilka, waxaana lafilayaa in ay doorkooda muujiyaan.
Caasumada Puntland ee Garoowe ayaa aad looga hadal hayaa howlaha Guddigan iyo Hanaanka doorashada, iyadoo ay joogaan inta badan Siyaasiinta damaca uu kaga jiro Kuraaska xubnaha labada Aqal ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Guddiga Doorashooyinka Dad-ban ee dawladda Soomaaliya, gaar ahaana qeybtooda Puntland ayaa maanta qabanaya shir gaar ah oo ay la leeyihiin Odayaasha dhaqan.