Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay ee Dhulgariirkii waynaa ee saaka ka dhacay bartamaha Talyaaniga.
Saraakiisha dowlada ayaa sheegaya in meydadka ugu yaraan 120 ruux laga soo saaray burburka daaraha dumay, iyadoo ay jiraan meydad kale oo burburka ku hoos jira.
Dad ka badan 368 oo ku dhaawacmay ayaa iyana la dhigay isbitaalada, kuwaasoo qaarkood xaaladooda nololeed laga deyrinayo.
Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa tacsi u diray dadka ku dhintay dhulgariirkan, isagoo xusay in shaqaalaha gurmadka ee goobahaas ka howlgalaya la kordhinayo.
Dhulgariirkan oo cabirkiisu 6.2. Meeshii uu dhulgariirka ka dhacay magaalada Norcia oo u dhow Perugia.
Dhismayaal waaweyn ayaa dumay meelo badan iyadoo dad badan lagu la’ yahay nolol iyo geeri, waxaana la soo weriyey in codadka dad gurmad dalbanaya laga maqlayo burburka dhexdiisa, gurmad xoogan ayaana halkaas ka socda.
Gobolka Umbria, Lazio iyo Marche ayaa caan ku ah dalxiiska, waxaana jooga meesha dalxiisayaal badan.
Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in dad boqolaal gaaraya ay weli burburka hoostiisa ku jiraan lagana yaabo in khasaaraha nafeed ee dhulgariirkan uu kor u kaco.
Hoos ka Daawo Sawirada:-