Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in shacabka kunool deegaanada gobolka Mudug looga baahan yahay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah ka dib markii dhawaan magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen Qaraxyo khasaare badan geystay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka mamulka Puntland ayaa sheegay in deegaanada maamulka Puntland lagu soo qaaday weerar siyaasadaysan .
Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay is difaacdo, waxaana uu sheegay in weerarkii Gaalkacyo uu ahaa mid loo adeegsaday qaab siyaasadaysan .
Dhawaan ayay aheyd markii Qaraxyo ay ku dhinteen ku dhawaad 30 qof ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo.
Hoos ka Dhageyso Codka:-