Dowladda Turkiga oo u digtay dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya

0

Dawladda Turkiga ayaa dalbatay in dagaalyahanada Kurdida ah ee ku sugan bariga wabiga Furaat in ay dib uga baxaan aagaasi mudo todobaad ah.

Wasiirka difaacaha ee dalka Turkiga Fikri Isik ayaa sheegay arrintaas iyada oo lagu soo waramayo in taangiyada Turkiga oo dheeri ah ay u talaabeen dhanka waqooyiga Suuriya.

Dawladda Turkiga ayaa Arbacadii qaaday weerarkii u horeeyay ee ay Maraykanku gacan ka siiyaan oo ay ka fuliyaan gudaha Suuriya.

Saraakiisha Turkigu waxay sheegeen in xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry uu u sheegay dhigiisa Turkiga in ciidammada Kurdiyiinyta ee Suuriya ay bilaabeen in ay isaga baxaan bariga wabiga Furaat, kaddib markii ay dhawaan guul ka soo hoyiyeen dagaalkii ay malayshiyaadka Islaamiyiinta ah kula galeen Manbij.