Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliya C/salan Hadliye Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay in Ciidamada Afrikaanka ah ee Nabad Ilaalinta loo geynayo Wadanka Koofurta Suudaan oo uu ka soconayo Dagaal Sokeeye in ay ku jiraan Ciidamo Soomaali ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidan Soomaaliyeed aan loo direyn howlgalka nabad ilaalinta ee Waddamada Bariga Afrika ay qorsheynayaan in ay ka fuliyaan Waddanka Koofurta Sudaan,halkaas oo ay ka socdaan dagaallo sokeeye.
Wasiirku waxaa uu sheegay in Waddamada Itoobiya,Uganda iyo kuwo kale ay ka qeyb gelayaan Ciidamada loo dirayo dalkaasi,waxaan uu sheegay in hadda aysan Soomaaliya ku jirin isaga oo aan meesha ka saarin suurta galnimada in loo baahan karo Ciidan Soomaaliyeed.
Wadamada ku bahoobay Ururka Midawga Afrika ayaa horay isugu raacay in Ciidan Nabad Ilaalin ah oo ka socda Dalalka Afrika loo diro Koofurta Suudaan.