DEG DEG:- Meydka Masuul Caan ah oo laga dhex helay gudaha Maqaayadii Xalay la Weeraray

0

Maamulihii isbitaalka Somali Germany Hospital ee magaalada Muqdisho ILAAHAY ha u naxariistee Dr. Ibraahim Cali Xasan ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii xalay ka dhacay baarka Banaadir Beach ee ku yaalla xeebta Liido.

Meydka Dr. Ibraahim Cali Xasan ayaa saaka waaberigii laga helay gudaha baarka Banaadir beach oo xalay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku galeen weerar isugu jiray isqarxin iyo mid toos ah.

Wuxuu dhowaan ku soo laabtay Muqdisho oo muddo badan uu ka maqnaa, isagoo ka hirgaliyay xarunta Caafimaadka Somali Germany Hospital oo laga furay degmada Boondheere.

Horay ayuu marxuum Dr. Ibraahim Cali Xasan ugu lahaa wadanka Jarmalka xarunta Danyar Daryeel Service, waxaana geeridiisa ka naxay dad fara badan oo garanayey.

 

maa