Askarta AMISOM oo Soomaaliya ujooga Nabad Ilaalin ayaa mararka qaarkood waxa ay sameeyaan tacadiyo ka dhan ah Howsha ay uyimaadeen Waddanka Soomaaliya.
Dilka iyo Dhaawaca Shacabka qeyb kama aha AMISOM iyo Shuruucda ay Soomaaliya ku joogto hadana cid la xisaabtameysa ma jirto taasi oo usii gogol xaareysa inay dhiiga Rayidka baneystaan.
Xalay fiidkii Ciidanka AMISOM ee deggan Xerada Ayuub Ee Duleedka Magaalada Marka waxey hoobiyeyaal aan dagaal ku imaan la dhaceen Xaafadaha Shacabka iyagoo si arxan daro ah uduqeeyey.
Ma jirto Khasaaro ka dhashay Madaafiicdaasi balse waxa Jira Hoobiye bur buriyey Dhismaha Guri Nin ganacsade ah degganaa oo ku yaalla Xaafada Sheekh Abroone iyadoo Hoobiyeyaasha Badankooda ay Badda ku dhaceen sida goob joogeyaashu sheegeen.
Hoos ka Dhageyso Codka:-