DHAGEYSO:- Dil Xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu xalay ka dhacay weerar Dil ah.

Waxaa la dilay askari katirsanaa Ciidanka Meliteriga Soomaaliya waxaana dilay Koox sidatay Bistoolado sida warka lagu helay,iyagoo kadibna ka baxsaday meeshaasi.

Askariga la dilay ayaa waxa uu kusii jeeday guriga Hooyadiis xilli la sheegay in uu marayey Xaafada Buundo weyn Ee Magaalada Beled weyne taasi oo dadku ay ka Xumaadeen Dilkaasi.

Ciidanka Dawlada Soomaaliya ayaa Howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen kudhawaad 9 qof iyadoo lagu tuhmay inay ahaayeen kooxdii dilkaasi geysatay,sida uu sheegay Maxamed Caga joof oo katirsan mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-