DHAGEYSO:- Wasaarada Amniga Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay weerarkii Xalay ka dhacay Maqaayada Banaadir Beach

0

Iyadoo xalay ciidamada amaanka ay soo afjareen weerakii Shabaab ay ku qaadeen Maqaaxida Banaandir Beach oo ku taalla Xeebta Liido ayaa waxaa maanta weerarkaasi faah faahin ka bixisay Wasaarada Amniga.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/kaamil Macalin Shkuri oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho si uu faah faahin uga bixiyo weerarkii xalay ayaa sheegay weerarkii Shabaab ay ku soo qaadeen Maqaaxida Banaadir Beach uusan khasaare badan geysan, sidoo kalena ciidamada amaanka ay ka hortageen.

C/kaamil Macalin Shkuri ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan la toogtay kooxihii gudaha u galay Maqaayada, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen ninkii waday Gaariga ku Qarxay iridka hore ee Maqaayada Banaadir Beach oo hada isbitaalka lagu dabiibayo kadibna ay su’aalo weydiin doonaan.

Inta la xaqiijiyay 9 Qof ayaa ku dhimatay oo 5 Qof ay yihiin dad shacab ah, 2 Qof ay yihiin ciidamada amaanka, 2 Qof ay yihiin kooxihii weerarka soo qaaday, halka 2 Qof ay ku dhaawacantay weerarkaasi waa sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-