Kumanaan ruux oo saakay buuxiyay Xeebta Liido, xilli ay eheladooda baadigoobayaan

0

Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa saakay oodda ka qaaday boqolaal ruux oo xalay oo idil ku xanibnaa wadooyinka soo gala Xeebta Liido, xilli ay baadigoobayaan eheladooda oo ka maqan.

Ciidamada Dowladda, ayaa dadka iyo gaadiidkuba dib kaga celinaayay wadooyinka soo gala Xeebta Liido ee Degmada C/casiis, intii uu socday hawlgalkii lagu soo afjaraayay weerarka lagu galay maqaaxida Banadir Beach.

Dadka saakay buuxiyay Xeebta Liido oo qaarkood uu walwal xoogani ka muuqanaayo, ayaa dadkii ay ugu taggeen halkaasi wax ka weydiinaaya dadka ka maqan, iyagoo markaasi tilmaamahooda u sheegaaya.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in dadku ay gudaha u gelayaan maqaaxida Banadir Beach iyo weliba dhismooyinka kale ee ku dhow dhow, iyagoo rajo ka qaba bal inay nolol iyo geeri mid uun kaga hellaan dadkooda.

Ugu yaraan sideed ruux, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay weerarkaasi. Dadka dhintay laba ka mid ah waxaa lagu sheegay raggii weerarka soo qaaday. Raggaan ayaa meydadkooda lagu arkayaa goobtii ay ku dileen Ciidamada Gaashaan.

Sidoo kale gaadiidka gurmadka deg degga, ayaa waxay halkaasi ka qaadeen dhaawacyada in ka badan 10 ruux, iyadoo ay jiraan warar sheegaaya in dhaawacu uu ka badan yahay tiradaasi.