Dadka wadanka Gabon ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay usoo doortaan Madaxweyne wadanku yeesho ayadoo uu masharxiinta ka mid yahay M/weynaha talada haya ee Cali Bongo.
Ku dhawaad 7,kun oo ruux oo ka mid ah ah halka milyan iyo Sideeda boqol ee dalka u dhashay ayaa ka qeyb galaya codeynta oo saaka bilaabatay waxaana dadku go’aan ka garayaan in M/weyne Bongo uu soo laabto iyo in kale.
Guddiga doorashada ayaa sii saadaaliyay in wareega hore lagu kala bixi doono doorashada oo aan wareegyo kale loo baahan doonin.
M/weyne Cali Bongo oo 57 sanno jir ah ayaa doonaya in mar kale la doorto waxaana uu balanqaaday isbadal uu dhaqaalaha wadanka ku sameyn doono,
Bangiga adduunka ayaa aaminsan in 35% dadka wadanka ay faqri yihiin shaqa la’aantuna ay gaartay sanadihii lasoo dhaafay heerkii ugu sareeyay.