Madaxda Somalida Kenya oo ku hanjabay in ay Maxkamadeynayaan Wasiirka arrimaha gudaha

0

Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Nadiif Jaamac ayaa sheegay in uu maxkamad la tiigsanayo Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkaissery,kaas oo aan wali Dadka Kenyaanka ah eek u jira Dhadhaab ka saarin liiska Hay’adda UNCR ee Qaxootiga u qabailsan Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha Kenya oo labo bil ka hor booqday Dhadhaab ayaa amar ku bixiyay in 30,000 oo Kenyaan ah kuna jira Dhadhaab iaga oo Qaxooti iska dhigayo laga qaado faraha lagana saaro dhadhaab si loo siiyo kaarka Aqoonsiga Muwaaddinka.

Taas beddelkeeda Joseph Nkaissery,ayaa wali Kaararka Qaxootinimo u soo saaraya Dadka Kenyaanka ah eek u jira Dhadhaab,kuwaas oo ay Qaramada Midoobey sheegtay in ay si aan sharci ahayn ku joogaan xerada iyaga oo Qaxooti iska dhigaya kuna qaadanaya adeegyada Caafimaadka,Waxbarashada iyo howlaha kale ee ay Hay’adda u qabato dadka ku jira halkaasi.

Nadiif Jaamac,waxaa uu Wasiirku ku eedeeyay in uu u xaglinayo Dadka Kenyaanka ah,islamarkaana kuwa Soomaalida ah eek u jira Dhadhaab uu ugu hanjabayo in ay guuraan si loo xiro Xerada iyada oo Kenyaanka Sharci darrada ku degganna loo soo saarayo kaarar Qaxootinimo.

Xildhibaan Max’ed Daahiye iyo Xildhibaan C/Qaadir Aadan oo laga soo doorto Waqooyi Bari,ayaa Hay’adda Qaramada Midoobey u qabailsan qaxootiga ee UNHCR,ka codsaday in ay dabagal deg deg ah ku sameyso Dadka Kenyaanka ah ee la siiyay Kaararka Qaxootinimo ee cusub iyada oo kumanaan Soomaali ah oo Qaxootinimo u diiwan geshay ay Kenya ku cadaadineyso in ay ka guuraan xerada.