Midowga Africa oo cambaareeyay weerarkii Xeebta Liido

0

Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Francesco Madera ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Maqaaxida Banaadir Beach oo ku taalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Francesco Madera  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la beegsado Maqaaxi ay isugu yimaadaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale Wakiilka ayaa Tacsi u diray Ehallada dadkoodi ay ku geeriyoodeen weerarkasi isagoona Caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwii kale ee weerarkaasi ku dhaawacmay.

Waxaa kale uu Wakiilku hoosta ka xariiqay in Al Shabaab ay damacsan yihiin in ay carqaladeeyaan Doorashada Soomaaliya.

Ugu dambeyn ayaa waxa uu wacad ku maray in Al Shabaab aysan ku guuleysan doonin damacadooda la xiriira in ay caqabad ku noqdaan Doorashooyinka Soomaaliya.