Ciidanka Amaanka Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay wadayaasha 12 Gaari oo barakicinayay Dadweynaha Magaalada Gaalkacyo,kuwaas oo dadka u sheegay in uu dhacayo dagaal u dhaxeeya Puntland iyop Galmudug.
Gaadiidka qaar ayaa la qabtay iyaga oo wada Rarka Dadkii ay doonayeen in ay ka barakciyaan magaalada Gaalkacyo.
Maamulka Degmada iyo laamaha amniga ayaa wadda dadaalo ay uga hortagayo gadiidka dadka barakacinaya ee qaadaya dadka kuwaas oo ciidamada amar lagu siiyey inay qabtaan garigii dad guuraya sida.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in maamullada Puntland iyo Galmudug ay ku dagaallamayaan magaaladaasi kadib markii maamulka Puntland uu soo rogay amar ah in Gaadiidka ka baxa bartamaha iyo Koofurta dalka aysan gali Karin Puntland,hayeeshee Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in aysan jirin wax dagaal ah,islamarakaana waxaa ay ka digeen in dadka laga barakiciyo magaalada.