Wararka inaga soo gaaraya Degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan Qarax khasaare geystay uu ku dhacay Degmadaasi.
Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa la sheegay in ay geysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana Qaraxa uu ka dhacay meel suuq ah oo dad badan ay ku sugnaayeen.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Qaraxan.