Liin dhanaanta iyo liin-macaanta oo caan ku ah faytamiin C-ga, loona adeegsado in la isaga saaro hargabka, ayaa waqtigan si rasmi ah loo ogaaday in lagaga hortagi karo buurnida iyo cudurrada ay sababto.
Maadada Sitaras (Citrus) oo laga helo liinta waxa ay jidhka ka saartaa waxyaabaha dhaawaca ku keeni kara, iyadoo gubta baruurta oo inta badan ka dhalata duxda iyo sonkorta badan ee jidhka gasha.
Liinta dhanaan oo faytamiinku u badan yahay, waxa kale oo ku jira maadooyin ka hortaga buurnida cudurrada ka dhasha sida wadne-xannuunka, beer xannuunka iyo macaanka.
Sidoo kale, dadka cuntada duxda badan cuna ee aan buurnayn waxa ay ka faa’iidi karaan liinta xannuunada ay ku keeni karaan cuntadaas ay cuneen ee aan caafimaadka u wanaagsanayn.
Afartii qof ee Ingiriiska ku nool hal qof ayaa buuran, halka shanti carruur ah ee da’doodu 11 jir tahayna mid ka mid ah buuran yahay, taasoo dalka Ingiriiska ka dhigta dalka dadkeedu ugu buuran yihiin Qaaradda Yurub.
Cilmi-baadhis badan oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in liin dhanaantu faa’iido baan u leedahay haddii qofku si dheellitiran u isticmaalo, kana badbaadiso xannuuno badan oo cuntooyinka la cunaayo ka dhasha.
Jaamacada UNESP (Universidade Estadual Paulista) oo dalka Brazil ku taala, ayaa sheegtay in buurnidu sabab u noqoto in qofku qaado xannuunada ay ka midka yihiin wadno xannuuunka, beer xannuunka iyo macaanka.
Cilmi-baadhis cusub oo Jaamacadaas samaysay, ayaa sheegtay in maado laga helay liinta oo la yidhaa falafanoonis (Flaavanones) ay ka hortagi karto buurnida, iyadoo lagu tijaabiyey markii u horraysay xayawaanka jiirka oo muddo la siinayey cunto duxdu aad ugu badan tahay.
Waxa soo baxday in saddex maado oo laga kala helay liin-dhanaan iyo liin macaanta oo la kala yidhaa Hesbaridin (Besperidin), Erositirin (Eriocitrin) iyo Eriyodisitol (eriodictyol) ay ka mid yihiin waxyaabaha dawada ah ee xannuunadan ay buurnidu keento ka hortagi kara.
Muddo bil ah oo 50 jiir la siinaayey cunto qiyaasan iyo mid duxdu ku badan tahay oo la raaciyey maadooyinkaas saddexda ah waxa ka soo baxday in jiirarkii aan la siin maadooyinka liinta laga helay ay naxeen, kana caafimaad xumaadeen 80% kuwii maadooyinka la siiyey.
Waxa halkaas ka soo baxday in maadooyinkaas ay hoos u dhigaan xaddiga sonkorta ah ee beerka quudanaayo 48% iyo waliba duxda beerka fadhiisan lahayd.
“Daraasadayadu may muujin in miisaanku hoos u dhacayo marka uu qofku liinta isticmaalo, balse qofka oon miisaanku ka dhicin ayaa ay ka hor tagaysa xannuunada buurnidu keento ee beerka dhaawaca, dhiig karka, macaanka amma wado xannuunka sababa,” ayu yidhi Dr. Thais Cesar.