DHAGEYSO:- Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Beesha Caalamka kala hadashay sidii loo sugi lahaa amniga deegaanadeeda

0

Iyadoo shalay Wafdi ka socda Beesha Caalamka ay gaareen Magaalada Beydhabo oo xarun ku meel gaar u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay halkaasi kula kulmeen ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed xasan Fiqi iyo xubno kale.

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed xasan Fiqi Wasiiro, Saraakiil ciidan iyo xubno kale ayaa wafdiga ka socday Beesha Caalamka waxa ay kala hadleen arrimo la xiriira amniga iyo sidii loo furi lahaa wadooyinka Go’doonsan ee ku yaalla Deegaanada Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta ka socotay Beesha Caalamka ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed ay ka taageeri doonaan sidii Shabaab looga saari lahaa Deegaanadaasi.

Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed xasan Fiqi ayaa dhankiisa sheegay kulanka ay la qaateen Beesha Caalamka in uu ahaa mid intiisa badan diirada lagu saaray amniga guud ee Deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii Shabaab loola dagaalami lahaa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-