Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Maxamed Aadan Axmed oo shalay Tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa sheegay in dhowaan ay bilaaban doonaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka Danab ay u diyaarsan yihiin sidii Shabaab ay uga difaaci lahaayeen Dalka, isagoo ciidankana kula dar daarmay in si daacad ah ay ugu adeegaan Dalka.
Wuxuu sheegay in la joogo waqtigii Al-shabaab laga saari lahaa Dalka taasina ay hada bilaabi doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Howlgalka Shabaab looga xoreynayo Dalka.
Taliyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dar daarmay in ay mar walba la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga si looga guuleysto Al-shabaab.
Hoos ka Dhageyso Codka:-