Iyadoo dhawaan Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu shaaciyay in lacag laga xaday Bankiga dhexe Soomaaliya, ayaa arintaas waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed.
Cumar Nuur Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Bankiga Qaranka oo ay ku jirtay hantida umada Soomaaliyeed in lacag laga Xado.
Waxa uu sheegay in ay hoos u dhacayso kalsoonida ay umada Soomaaliyeed ay ku qaban Bankiga Dhexe ee Soomaaliyeed.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane, Bashiir Ciise Cali si wax looga weydiiyo sida ay ku dhacday in Bankiga Dhexe laga xado lacag gaareysa $ 530,000.
HALKAAN KA DHAGEYSO