Wasiirka kaluumeysiga iyo Kheyraadka Bada ee Xukuunada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Caymooy oo ku sugan magaalada Jowhar ee Gobolka SHabeelaha Dhexe ayaa booqasho ku tagay meelaha uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeele iyo dhibaatada uu dadka u geystay.
Wuxuu sheegay Wasiirka kaluumeysiga iyo Kheyraadka Bada in dhibaato badan uu u geystay Wabiga Dalaga iyo sidoo kale Guryaha qaar ee ay leeyihiin shacabka.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka ugu soo horeeya ee ay yeelanayaan Golaha Wasiirada Soomaaliya uu horgeyn doono si wax looga qabto dhibaatada uu geysanayo Wabiga Shabeele.
Wabiga Shabeele ayaa inta badan waxa uu fatahaad ka geystaa Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana shacabka halkaasi ku dhaqan ay ku baaqeen in wax laga qabto fatahaada uu geysanayo Wabiga.
Hoos ka Dhageyso Codka:-