Taliska ciidamada Puntland ee kusugan magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn ayaa ku dhawaaqey in ay soo afjareen intii badneyd howlgal ay uga hortagayeen in deegaano kamid ah gobalkaas laga sameeyo Diwaangalinta maamulka Somaliland ay ka wadaan deegaanada xadka kuyaala.
Col, Cabdiraxmaan Cabdulaahi Axmed oo kamid ah Saraakiisha hogaamisa ciidamadan ayaa sheegay in ay soo afjareen howlgalkan, wuxuuna cadeeyey in ay sii wadayaan meelaha qaarkood.
Korneylka ayaa sheegay in meelaha qaarkood laga yaabo in ay kooxahan ka sameyaan diwaangalin oo ku sifeeyey mid been abuur ah, balse ay saacad kasta diyaar u yihiin in ay jawaab deg deg ah ka baxshaan.
Col, Axmed wuxuu kaloo intaasi ku daray in ay Iskaashi buuxa la leeyihiin dadka deegaanka oo aan marnaba rabin maamulka la baxay Somaliland, isagoo sheegay in haddii ay isku dayaan faagalin ay qaadi doonaan caaqib-xumida kala dhalata iyagu oo ay masuuliyadaas dusha u ridan doonaan.
Gobalada Sool, Sanaag & Cayn ayay Somaliland doonaysaa in ay ka hirgaliso diwaangalinta cod bixinta maamulkaas, laakiin rabshado hubeysan ayaa ka dhacay meelaha qaarkood, siiba sadexdan gobal oo ay ciidamada Somaliland meelo kamid ah uga sugan yihiin.
HALKAAN KA DHAGEYSO