Xasan Sheekh, Shariif, Cabdulaahi Yuusuf iyo Cabdi qaasim Waa Tee dowladii ugu Musuq maasuqa badneyd ?

0

Drs Maryan Xaaji Cilmi oo ka mid ah Dumarka Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa iyadoo u warrameysay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho waxa ay sheegtay in dowladda Federaalka ee talada dalka majaraha u heysa ay tahay mid Musuqmaasuqa heerkii ugu sareeyay ka gaartay ayna ka wanaagsanaayeen Dowladihii KMG.

Sidoo kale waxa ay Drs Maryan Xaaji Calmi hoosta ka xariiqay in shaqsiyaad Dowladda Federaalka ay ku howlan yihiin dhaqaalo uruursi , islamarkaana Guryihii Danta Guud laga iibiyay Shaqsiyaad gaar ah.

“ Dhaqaalihii Bank-ga Dhexe lagala baxay Masuuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya” ayey sii raacisay hadalkeeda Drs Maryan Xaaji Cilmi.

Waxaa isi soo tarayay Dhaliilaha ka dhanka ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyadoona laga digayay dhaqaalihii dhawaan lagala baxay Bank-ga Dhexe loo adeegsado Doorashooyinka soo socda.