Waxaa saakay Degan xaalada Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo oo shalay uu ka dhacay Dagaal xoogan kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland iyo koox Maleeshiyaad ah ayaa ku Dagaalamay Magaalada Beled-xaawo, waxaana Dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada Jubbaland ay weerareen Guri ay isku uruursadeen Maleeshiyadan, kuwaas oo diidanaa sida maamulka Degmada uu hawsha u wado.
Dagaalkan labada dhinac dhexmaray ayaa la sheegay in uu daba socdo israsaaseyn Habeen ka hor ka dhacday Degmada Beled-xaawo taas oo dhexmartay koox Maleeshiyaad ah iyo ciidanka maamulka Jubbaland.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay wadaan sidii heshiis nabadeed loo dhex dhigi lahaa labada dhinac ee Dagaalantay.
Dagaalka ka dhacay Magaalada Beled-xaawo ayaa waxaa ku dhimatay 3 Qof halka tiro ka badan 8 Qof ay ku dhaawacmeen.