Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Bartamaha Magaalada Caabudwaaq waxa ay ku toogteen Nin Hubeysnaa oo sida la sheegay qabay xanuun dhinaca Maskaxda ah.
Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi ayaa Radio Shabelle u sheegay in dilka Ninkaas uu yimid kadib markii Ciidamada dowladda ay ku amreen in uu dhigo Hub uu sitay isuna dhiibo dhankooda balse uu ka dhega adeegay sida Guddoomiyuhu xusay, halkaasna ay ku toogteen Ciidamada.
Mahad Cumar Cilmi Guddoomiyaha Caabdwaaq ayaa intaas ku daray in Ninkaan la toogtay uu xalay Magaalada Caabudwaaq ku dilay 2 ruux caan ahaa .
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in Ciidamadu ay diyaar u yihiin in ay gacanta ku soo dhigaan qof weliba oo dil ka geysta Magaalada Caabudwaaq si tallabo looga qaado.