Ibraahim Aadan Ibraahim (Ibraahim Nadaaro) oo ka tirsanaa Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu isu soo dhiibay Dowladda Dhexe Somaliya.
Laamaha ammaanka, ayaa waxay Sarkaalkaasi ku soo bandhigeen Xarunta Godka Jilicow ee Degmada Boondheere, halkaasoo uu si rasmi ah uu kula hadlay bahda Saxaafadda.
Ibraahim Aadan Ibraahim, ayaa sheegay in muddo laba sano laga jooggo uu qaatay go’aankiisa la xiriira, sidii uu uga tanaasuli lahaa fekerka khalafsan ee Shabaab.
“Laga bilaabo caawa Waxaan cadaynayaa inaan isaga baxay Al Shabaab, go’aankaan waxaa qaatay labo sano ka hor.” Ayuu yiri Ibraahim Aadan Ibraahim.
Ibraahim Aadan, ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan uu ku dhashay, markii uu arkay in Shabaabku ku been abuuranayaan Shareecada Islaamka.
“Waxaana igu dhaliyay markaan arkay sida looga been sheegayo diinta islaamka iyo dhaqan galinta shareecada islaamka, waliba aniga oo ka faa’iidaysanaya balanqaadkii madaxweynaha ee ku aadanaa in qofkii ka soo laabta Al-Shabaab la cafinayo.” Ayuu yiri Ibraahim Nadaaro.
Ibraahim Nadaaro oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada Baay & Bakool, ayaa waxaa uu Shabaabku uu ku biiray muddo sagaal sano laga jooggo, iyadoo uu ka tirsanaa Waaxda Garsoorka Al Shabaab.
Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Sargaalka:-