Booliska Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen 2 Ruux oo lagu tuhmay in ay damacsanaayeen ku biirida Ururka Daacish
Saraakiisha Booliska ayaa labada Ruux Magacyadooda waxey ku sheegeen Maxamed Shukri Yeroow iyo Cabdirisaaq Cabdinuur, iyadoo sidoo kale la shaaciyay in ragan ay qorsheenayeen Weeraro ka dhan ah Dalkaasi.
Labadan qof ayaa sidoo kale lagu sheegay in wax barashadooda ay ku soo qaateen Jaamacad ku taalla Magaalada Saratov ee Dalka Ruushka.
Taliyaha Ciidamada Booliska Dalka Kenya, Joseph Boinnet ayaa waxuu tilmaamay in labadan Ruux ay doonayeen in ay ku biiraan Kooxda Daacish faraca Degaanada Maamulka Puntland ee Dalka Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa xusay in Raggaan ay wateen Dikumiintiyo been abuur ahaa, si ay uga dhoofaan Dalka Kenya, balse ay suuro gashay in gacanta lagu dhigo.
Sikastaba, Sirdoonka Kenya ayaa aaminsan in Tobanaan ka mid ah Muwaadiniinta ka soo jeeda Dalka Kenya in ay siyaabo kala duwan ugu biireen Xarakada Al Shabaab iyo Kooxda Daacish.