Maamulka Puntland oo Gudoomiye Cusub usoo Magacawday Gobolka Sool

0

Munaasibad  uu xilka kula wareegayey gudoomiyaha cusub ee gobolka Sool ayaa lagu qabtay gobolkaasi Sool.

waxaana ka qayb galay xubno kasocday wasaarada arimaha gudaha dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyga Puntland,Maamulka degmada qaar kamid ah waxgaradka gobolka iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha gobolka ee cusub oo lagu magacaabo Maxamed Cali Saleebaan ayaa munaasibadii uu xilka kula wareegayey ka sheegay inuu dar-dargalinayo hormarka gobolka iyo degmooyinkiisa.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu xusay inay jiraan mashaariic laga hirgalinayo gobolka iyo degmooyinkiisa,islamarkaana uu si wanaagsan ula shaqeynayo bulshada uu guddoomiyaha u noqday.

Gobolka Sool waxaa uu ka mid yahay Gobolladavay ku mjuransan yihiin Puntland iyo Somaliland,waxaana sidoo kale jira maamulka KHaatuma oo labaduba ka soo horjeeda kana jira Gobollada Sool iyop Sanaag.