Inta aanan bilaabin ka hadalka eedaha aan u jeedinayo Wasiirka Amniga ee maamulka Jubaland ninka lagu magacaabo Cabdirashiid oo runtii ku eedeysan dhiiggii ku daatay degmada Beled-xaawo, Aan marka hore sharxo sidii ay wax uga dhaceen magaalada si ay dadka Soomaaliyeed u fahmaan wixii dhacay iyo sidii loo rogayba.
Walaalayaal, Waxaa magaalada maalmahanba ka taagnaa xiisad ka dhalatay maamul loo sameynayey magaalada, Kaasi oo dhismihiisa loo maray dulmi iyo cadaaladarro, maadaama aan si wanaagan loo gala tashan dadka deegaanka ah, gaar ahaan odoyaasha dhaqanka oo laf-dhabar u ah wadanoolaashada magaalada. Taasina waxa ay keentay in laga horyimaado dhismaha maamulkaasi fooshaxun.
Iyadoo ay taagneyd xiisaddaasi, Ayaa waxaa ka dhacay gudaha magaalada labo qarax oo ay wax ku noqdeen dad u badan hal beel oo awalba saluugsanaa qaabkii loo dhisay maamulka cusub ee magaalada. Qaraxyadani, ayaa la tuhunsanaa in ay ahaayeen kuwa la soo maleegay, si loo huriyo xiisad dagaal oo awalba caan lagu ahaa. si markaai loo beegsado dad gaar ah Iyadoo la adeegsanayo dowlado Shisheeye.
Markii uu dhacay qaraxa koowaad, Waxaa goobta soo gaaray nin ku magacaaban G/kuxigeenka degmada iyo ciidamo la socday, Kuwaasi oo Iyagana laga dhaawacay nin askari ah, inkasta oo aan la garaneynin cidda dhaawacday askarigaasi Soomaliyeed. Ka dib, Waxaa dhacay in dhowr dhalinyaro ah (ciidanka magaalada joogay) la soo xiro Iyagoo lagu eedeynayey dhaawaca askarigaasi.
Ka dib, Waxaa dhacday oo kale in weerar lagu qaado dhalinyaro ka tirsaneyd ciidamada Dowladda oo ka soo jeedday beel ka mid ah beelaha dega magaalada. Beeshaasi oo awalba saluugsaneyd qaabkii loo dhisay maamulka degmada, Kuwaasi oo ku sugnaa guri ku yaallay xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada.
Halkii ay ahayd in wadahadal iyo waan-waan rasmi ah loo maro xalinta dhibaatadaasi wajiyada badan, si loo baajiyo dhiig daata, Ayaa waxaa la doortay Iyadoo aan aad looga fiirsan in weerar lagu qaado dhalintaasi waqtigooda iyo dhiiggoodaba u huray difaaca dalka. Taasi oo ugu danbeyn keentay in ay halkaasi ku geeriyoodaan afar ka mid dhalinyaradaasi, Islamarkaanna ay dhaawacmaan 8 kale.
Weerarka lagu qaaday wiilashaasi Soomaaliyeed ee ka tirsanaa ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Beled-xaawo, Ayaa waxa aan aaminsanahay haddii aannahay Waxgaradka beeshaasi, in uu weerarkaasi ahaa mid horay loo qorsheeyey, Islamarkaana laga lahaa dano gaar ah. Waana sababtaasi sababta keentay in lagu deg dego weerarkii lagu qaaday dhalinyaradaasi ku shaqeyneysay bilaa mushaarka.
Waalidan ku dhisan fudeydka, Ayaa waxa ay marqaati u tahay heerka uu marayo dhiigga qofka Soomaaliga iyo waliba noolahiisa. Waxa ay sidoo kale arintani marqaati u tahay masuuliyadarada ka muuqato kuwa isku sheega siyaasiyiinta, oo had iyo jeer aan waxba u arag daadashada dhiigga dadka Soomaalida ah.
Haddii aan dib ugu soo laabto eedaha aan u jeedinayo Wasiirka Amniga ee maamulka Jubaland oo dhawaanahan bilaabay beegsiga beel gaar ah oo ka mid ah beelaha dega degmada Balad-xaawo oo runtii aan garaneynin waxa ay ka wadato beeshaasi Soomaaliyeed oo runtii awood u leh in ay iska difaacdo Isaga iyo kuwa uu maalin walba naas-nuujinayo.
Haddii aannahay Waxgaradka iyo Aqoonyahanada beeshaasi, Waxaan aaminsanahay in Wasiirka Amniga ee maamulka Jubaland uu masuul ka yahay dhiiggii shalay ku daatay degmada Beled-xaawo. Waxaan sidoo kale aaminsannahay, Islamarkaana u sheegeynaa dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba in Wasiirkaasi uu qaadi doono wixii halkaasi ka dhasha.
Waxaan kaloo aaminsannahay in dhiigggii ku daatay magaalada uu qeyb ku leeyahay ninka loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Beled-xaawo oo runtii maamulkiisa ku bilaabay daadinta dhiig dad Soomaali ah oo waliba ehel ah. Qirashada uu Gudoomiyaha Warbaahinta ka sheegay, ayaa waxa ay runtii ka dhigan tahay marqaati-fur uu Isagu isku marqaati furayo in uu laayey muwaadiniintaasi Soomaaliyeed oo waliba ahaa ciidan dowladeed.
Eedda aan u jeedinayo labadaasi nin, ayaa waxa ay tahay in ay ku fududaadeen amarkii lagu weeraray dhalinyaradaasi Soomaaliyeed, oo waliba ka soo jeedda Beel awalba ka cabaneysay qaabkii loo dhisay qaar ka mid ah maamulada degmooyinka gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-xaawo. Walaalayaal, Ma jiraa fudeyd ka weyn in aad amarto in dad la laayo, Iyadoo la heli karo wadooyin badan oo lagu baajin karo dhiig daata ? Maxaase la sheegayaa bacda haadaa ?
Tan kale, Sow wax lala yaabo ma’ahan in uu sidaasi raqiis u noqdo dhiigga muwaadinka Soomaaliyeed ? Yaase la xakumayaa marka dadka la laayo ? Ma sidan baa dowladnimada iyo waxii la sheeganayey ? Aaway xeerarkii iyo qawaaniintii dalka ? Aaway dulqaadkii iyo walaalnimadii ? Goormuuse waaray shaati been ah oo la gishto ? Aaway xukunkii xoogga badnaa ee Maxamed Siyaad ?
Waa nasiibdarro runtii in dadka lagu laayo magac dowladnimo ama mid maamul goboleed, Iyadoo la dhex joogo Soomaaliya oo ay wali ka jirto colaad sokeeye iyo aano qabiil. Waxaa sidoo kale nasiibdarro ah in laga been sheego xaqiiqda jirta, Islamrkaana dadka dusha laga saaro magacyo argagixiso oo aan jirin, si kaalmo looga helo dowlado shisheeye.
Wixii ka dhacay Beled-xaawo, Waxa ay ahaayeen runtii gardarro iyo duulaan qaawan oo uu masuul ka yahay Wasiirka Amniga ee maamulka Jubaland iyo ninka kale ee ku magacaaban gudoomiyaha cusub ee degmada Balad-xaawo, maadaama ay Iyaguba afkooda ku qirteen in ay ka danbeeyeen dhibaatadii ka dhacday magaalada oo ay ku dhinteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo waliba ciiidan ahaa xilli la filayey nabad iyo dowladnimo ku dhisan sharci.
Gabogabadii iyo gunaanudkii, Waxaan ku talinayaa talooyinka soo socda oo aan isleeyahay waxa ay xal u yihiin dhibaatadii ka dhacday degmada Beled-xaawo. Waxaana talooyinkaasi ka mid kuwa soo socda:
1- In xilka wasiirnimo laga qaado Wasiirka Amniga ee Jubaland, maadaama uu hurinayo colaad sokeeye iyo dhibaato.
2- In dib loogu noqdo dhismaha maamulka cusub ee Beled-xaawo oo runtii astaan u noqday dulmi iyo cadaaladarro, Islamarkaana oo celin kara colaadihii sokeeya.
3-In shareecada Islaamka loo bandhigo dhalinyaradii ciidanka ahaa ee lagu laayey magaalada iyo waliba kuwii la dhaawacayba.
4-In dowladda Federaalka ay soo farageliso dhibaatadii ka dhacday magaalada inta aysan faraha ka bixin.
5- In aan si khaldan loo isticmaalin awoodaha iyo magacyada la sheeganayo maadaama uu xilku yahay meerto.