Dowladda Britain oo shaacisay inay door muhiim ka qaadanayso La dagaalanka Al-Shabaab

0

Xoghayaha British ugu qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Bariga Dhexe, Tobisa Ellwood ayaa ayaa si kulul u cambaareysay Qaraxii ay Alshabaab shalay ka geysteen Nawaaxiga Hotelka SYL ee Muqdisho.

War Saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu Qalbigiisa la jiro Qoysaska Dhibanayaasha geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxaasi.

“Weerarkan iyo kuwii la midka ah, sidii Is-qarxintii bishan August 21-dii ka dhacya Galkacyo iyo Weerarkii Isbuucii ka dhacay Banadir Beach Restaurant, waxay xoojinayaan Dadaalka Britain ee dhismaha Nabadda iyo Mustaqbalka Somalia” ayuu yiri Xoghayaha British ugu qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Bariga Dhexe, Tobisa Ellwood.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladiisa la garab taagan tahay Ciiddanka Ammaanka Somalia. Kuwa AMISOM iyo Saaxiibadda kale ee Beesha Caalamka sidii looga hortegi lahaa Cabsida Alshabaab iyo Xagjirnimadda.

Ugu dambeyntii, Xoghayaha British ugu qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Bariga Dhexe, Tobisa Ellwood waxa uu hoosta ka xariiqay inay Dowladiisa  taageero ka geysan doono sidii ay Doorashooyinka ugu dhici lahaa jawi Nabadeed.