Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda shaki laga muujinayaa inuu dib ugu soo laabto talada dalka, kadib markii uu arrimo badan ku fashilmay.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in Afartii Sano ee Xasan Sheekh jiray aanu dalka wax badan oo muuqda ka qaban, islamarkaana meeshii la joogay Afar Sano kahor weli aan laga tillaabsan.
Waxaa jira qodobo ay siyaasiyiintu sheegeen in Xasan Sheekh ay kahor istaageen in uusan dib ugu soo laaban Talada dalka, inkastoo isagu qorsheynayo in Sanado kale sii taliyo.
Qodobada Xasan ku dheggan waxaa ka mid ah:-
1- Cadaalad Darro
2- Nin Jeclaysi
3- Musuqa dowladdiisa
5- Ku Takri fal hantiyeed
6- Ku Takri Fal awoodeed
7- Amniga oo faraha kasii baxay
8- Dan gaar ah eegay
9- Xarumihii dowladda oo shaqsiyaad la siiyey
10- iyo ka nafcinta hantida dadweynaha
Hadaba shacabka intiisa badan waxay qabaan aragti ah in si sahal ah aanu ku imaan karin Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, xitaa haddii uu xildhibaanno si qaldan ku keensado.