Gadiidkaani oo gaaray 4 baabuur nooca loo yaqaan Cabdi bille kuwasoo la saaro qoryaha dagaalka iyo Hal landcruiser aan Xabadu karin ayaa dowlada Federaalka ee Somaliya ugu deeqdey Dowlada galmudug.
Gadiidkaani ayaa waxaa ay saarnayeen markab macaawina waday ee ku xirtay Dakada boosaso waxaana gadidkaasi imanshahooda la socday madaxda ugu sareysa maamulka puntland .
Hayeshee warar uu helay Hobyomedia ayaa sheegaya in gaadiidkaasi ay si xoog leh ay u haystaan ciidamo ka tirsan maamulka puntland kuwasi oo cabana mushaar la’aan iyo daryeel la;aan haysta awgeeda,
Ciidamadani gawaarida qabasaday ayaa la sheegayaa inGadiidkaan ku buufsadeen ranjiga Tuutaha kuwasoo diidey iney dib u celiyaan gabi ahaanba.
Odayasha Puntlland oo waday Waan waan baabuurtan lagu soo wareejinyay aya u shegay madaxweynaha puntland in ay adag tahay baabuurtan in la helo waxaana odayashu ay shegeen hadii aan baabuurtan la soo celin ay ceeb ka raacayso magaca puntland oo ay noqonayso in isbaaro ay u dhigteen hanti dowladadeed taasi oo sumcad daro u keeni karta beesha u badan boosaaso oo iyagu ka baqaya dhibaatada baabuurtaasi ka dhalata in ay saameyso ganacsigooda gaalkacyo.
Warar kale aya shegaya in siyaasiyiiin ka tirsan puntland kuna kacsan siyaasada madaxweyne gaas ay ka danbeeyaan hawushan lagu leexsaday gadiidka ay lahayd galmudug , inkastoo uu dadaal uu socdo hadana askartan aya bilaabay isku day kale oo baaburtii qaabkooda loo badalay kuwaasi oo rinji kale ku buufiyay.
Baabuurtan hadii aysan Puntland soo celin waxa ugu badan ee laga dhaxlayo aya ah in magac xumo laga qaado oo la ogaado in dakada boosaaso aysan ahayn mid amaan ah oo wax walba lagala soo dagi karo waxana taasina ay sameyn wayn ay ku yelanaysa dhaqaalaha puntland kaga soo xarooda ganacsiga koonfurta somaliya inta badan la geyo oo dakadasi ka soo daga iyadoona beesha boosaaso u badan oo dakadaasi dadka ugu badan ay ka shaqeeyaana ay ku keeni doonto dhaqaale xumo madama dadku ay ka baqi karaan in cidanka puntland ee wali gadoodsan ay dhici karaan ganacsiyada kale ee dakadaasi ka soo daga hadii aan hada laga hortagin.