Guddoomiyaha Baladweyne “8 Qof ayaa loo qabtay dilka Nabaddoon Cabdi Ibraahim Aadan”.

0

Kooxo Hubeysan ayaa Gabal Dhicii Shalay Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Beleweyne Ku toogtay Nabadoonka xili uu fadhiyay Nawaaxiga Hoyga uu ka daganyahay Magaalada.

Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne Max’ed Cismaan Cabdi Qallaafoow, ayaa Mustaqbal Radio,u sheegay in ay gacanta ku dhigeen 8 Qof oo laga xiray Xaafadda Howl wadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Waxaa uu sheegay in 8 Qof ay ku wareejiyeen Hay’adda Nabad Sugidda islamarkaana uu ku sucdo baaritaan ku aaddan ku lug lahaanshiyaha dilka Nabaddoonkaasi.

Guddoomiye Qallaafoow,ayaa sheegay in Magaalada iyo Gobolkaba uu maalmahan ka socday howlgal ka dhan ah AL-shabaab islamarkaana ay tuhmayaan in Al-shabaab ay dilalka ka billaabeen gudaha Magaalada Baladweyne.

Marka uu dhamaado baaritaanka lagu hayto 8Qof ee loo qabtay dilka Nabaddoonka ayuu sheegay in ay warbaahinta la wadaagayaan wixii ka soo baxa baaristooda.