IFJ oo ku baaqday in la joojiyo cabsi gelinta lagu hayo Suxufiyiinta Soomaalida.

0

Qoraal ay IFJ soo saartay ayey ku codsatay in la soo af-jaro dhamaan Cabsi-gelinta lagu hayo Suxufiyiinta Somalia, kadib, markii ay soo baxeen Isku-dayo Cusub oo ay Maamulayaasha Maxaliga ku doonayaan inay ku hakiyeen Hawlaha Saxaafadda Madaxa Bannaan.

Hay’adda IFJ waxay sheegtay in Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar ku amray Suxufiyiinta ku sugan magaalladda Beled-weyne inaysan ka hadli Karin Ololayaasha Siyaasadda, iyagoo aan Maamulkiisa ka haysanin Fasax.

IFJ waxay kaloo sheegtay inuu Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ugu goodiyey Suxxufiyiinta in laga joojin doono Shaqada, lana xiri doona, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, Hay’adda IFJ waxay kaloo soo hadal qaatay Tacadi kale oo ay Ciiddanka Sirdoonka Maamulka Jubbaland ku xireen Weriye Madax Bannaan oo lagu magacaabo Jeylaani Xuseen Yuusuf, kaasi oo Talaadadii la soo dhaafay (August 30th) lagu xiray magaalladda Kismaayo.

IFJ waxay xustay in Weriyahaasi loo xiray Warar uu baahiyey xilli uu ka hawlgeli jirey Idaacado ku yaalla magaalladda Muqdisho.