Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo ay bishii hore ka dhaceen weeraro Ismiidaamin ah, iyadoo si weyn loo adkeeyey amaanka magaalada.
Madaxweyne Gaas ayaa soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, iyadoo arrimo bada ay dawladda Puntland ka qabanayso magaalada Gaalkacyo.
Warar ku dhaw dhaw Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in uu Madaxweynuhu la kulmi doono Waxgaradka gobalka Mudug oo ay arrimo badan ka wada hadli doonaan.
Gaalkacyo waxaa ku sugan Madaxweyne kuxigeenka Punland & xubno katirsan labada golle ee dawladda Puntland, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu qaraxu Ismiidaaminta ah ka dhacay magaalada Gaalkacyo.