XOG: Sirta Ku Duugan Afgambiga Shirka Jowhar

0

Shalay magaalada Muqdisho waxay dowladda iyo IGAD uga dhawaaqday in Saddexda bishan soo aadan magaalada Jowhar dib uga billaaban doono shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Durba waxaa soo baxaya warar ku aadan sirta ku duugan Afgambiga IGAD ee shirka Jowhar iyo sidoo kale danta gaarka ah ee laga leeyahay sameynta degdegga ah ee maamulkaasi.

Xog ay heshay Warqaad waxay sheegaysaa in ulajeedka laga leeyahay tani ay tahay kadib markii IGAD ay ogaatay in Labadan gobol iyagu muhiimad gaar ah u leeyihiin.

Waxay doonayaan in shaqsi saaxiib dhow la ah dowladda Itoobiya balse magac ahaan aan lagu dhawaaqin madaxweyne looga dhigayo maamulkaasi cusub.

Itoobiya waxay doonaysaa in Labadaan gobol ay uga dhawaadaan dhammaan maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira, islamarkaana ay la noqdaan saaxib dhow sida ay ula yihiin maamulka Somaliland.

Rabitaanka Itoobiya iyadoo la eegayo ayaa dowladda Federaalka iyo IGAD waxay ku qasbanaadeen inay ku dhawaaqaan in shirka sii socon doono ciddii doonta haka maqnaatee.