DHAGEYSO SIR AH:- Tarsan oo Cod sir ah laga duubay iyo Arimo xasaasi uu ka sheekeynayo

0

Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay Arin aan laga warqabin sida ay ku bilaabatay markeedii hore

Duqii Hore Ee Muqdisho ayaa waxa uu ku faanay inuu bilaabay wadahadalka udhaxeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland ee looga hadlayo Midnimadii Soomaaliweyn oo lasoo celiyo.

Isagoo ka hadlayey Arimaha la xiriira wadahadalkaas waxa uu Tarsan Sheegay in Gudoomiyaha Muqdisho markii uu ahaa uu wafdi udiray Hargeysa la xaajooda Maamulka Soomaaliland kadibna ay si qarsoodi ah ugu kulmi jireen Magaalada Nairobi mas’uuliyiinta Soomaaliland.

Musharax Maxamuud Tarsan ayaa hadalkaas waxa uu ula jeeday hadii la doorto inuu wax badan ka qaban doono isku soo dhawaanshiyaha Soomaalida oo dad dano gaar ah leh ay ku hor gudban yihiin sida uu hadalka udhigay balse Soomaalida dadkeeda aysan aheyn kuwo is colaadinaya.

HALKAAN KA DHAGEYSO