Xasan Sheekh maxamuud madaxweynaha Kamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayaa ka hadlay arimo badan oo la xiriira siyaasada guud ee Dalka iyo waxyaabaha uqabsoomay Dowladiisa Mudadada 4 Sano ah.
Madaxweyne Xasan ayaa marka hore sheegay iney isbadal badan Dalka ka sameeyeen tan iyo September 2012kii xiligaas oo la wareegay Hogaanka wadanka.
Lixdii tiir ee udub dhexaadka u ahaa ololihiisii Musharaxnimo ayuu sheegay iney badi kamid ah qabsoomay kuwa harsana uu ku hanweynayahay inuu dhameystiro haduu mar kale kusoo laabto Kursiga ugu Sareeya Dalka.
Mar wax laga weydiiyay dib udhaca kuyimid doorashada Madaxtinimo ee Dalka ayuu Madaxweyne Xasan ku sheegay inuusan marnaba raali ka eheyn in hal maalina ay dib uga dhacdo waqtigeeda Xiliga doorasho balse arimahan ay udhaceen oo kaliya cilado dhanka Farsamada ah.
Dadka ayuu ka dalbaday iney Dowladiisa kala shaqeeyaan Sugida AMniga Guud ee Dalka si looga hortago weerarada Al-Shabaab ay ku qaadaan Hoteelada ku yaala Magaalada Muqdisho
HALKAAN KA DHAGEYSO