TOP DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo war cusub ka soo saartay Colaada ka jirta Sanaag

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maamulka Soomaaliland ugu baaqday in ay si deg deg ah u kala dhexgalaan Beelaha walaalaha ah ee ku Dagaalamaya Deegaanada Gobolka Sanaag.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Maamulka Soomaaliland ay Xukuumada Soomaaliya ugu baaqeyso in si deg deg ah ay ku dhexgalaan Beelaha Walaalaha ah ee ku Dagaalamaya Deegaanada Gobolka Sanaag, si looga hortago Dagaalada halkaasi ka dhacaya ee geysanaya khasaaraha badan.

Wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Dagaalada ka socda Deegaanada Sanaag in ay yihiin kuwo sii xoogeysanaya loona baahan yahay in lakala dhexgalo Beelaha Dagaalamaya.

Madaxda Maamulka Soomaaliland iyo Waxgaradka Gobolka ayuu ugu baaqay in Deganaansho lagu soo celiyo Gobolka Sanaag oo lakala qaado Beelaha Dagaalamaya, isagoo intaa ku daray in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo nabada.

Shalay ayay aheyd markii Dagaal ay ku dhinteen 14 Qof halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay Deegaanada Gobolka Sanaag, waxaana Dagaalkaas uu dhexmaray Beelaha Walaalaha ah ee halkaasi isku hor fadhiya.

HALKAAN KA DHAGEYSO