XOG:- Maxay tahay sababta Xildibaanada Baarlamaanka Somaliya ee ka soo Jeeda Hiiraan Iyo Sh Dhexe uga soo Horjeedaan In la dhiso Maamul ay yeeshaan Goboladaas

0

Xildibaano iyo siyaasiin ka soo jeeda Hiiraan ayaa ku baaqay in aan lagu deg degin dhismaha maamul loo sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabelada Dhexe

Waxa ay hoosta ka xariiqeen in waqtigaan gaaban ee kala guurka la galayo sababta ay dowlada Somaliya u dar dar gilneyso in la dhiso maamulkaas ay tahay mid ay ku hoos qarsan yihiin dano gaar ah .

Siyaasiinta ayaa hoosta ka calaamadeeyay in dhismaha maamulkaas yahay mid ka baxsan gacanta dowlada Somaliya ayna tahay mid ay wadato dowlada Itoobiya .

” Ma yeeli doonno maamulka noocaas ah si waliba uga hor tageynaa , waxan shacabka goboaldaas uga baaqeynaa in aysan aqbalin maamulkaa lana dagalaamaan”

” Waa gumeysi qarsoon , ma yeeli doonno maamul aan lo dhameyn” ayay lagu yiri qoraal ka soo baxay kulan ay ku yeesheen Muqdusho xildibaano , odayaal iyo siyaasiin ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe