Mar magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kulmeen Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaare hore Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa waxay ku gaareen heshiis hadii uu dhaqan galo laga yaabo in isbedal keeno, waliba ay helaan waxa ay doonayaan.
Kulankooda oo saacado badan qaatey ayeey ku gorfeeyeen xaaladda guud ee dalka, sida amniga, siyaasadda iyo doorashada la filayo in sanadkaan la qabto.
Waxay isla fahmeen in haddii midkood ku guuleysto xilka uu midka kale ka dhigo Ra’iisul wasaare si dalka wax loogu qabto waa sida ay aragtidooda tahay.
Inakastoo wax waliba ay siyaasad tahay, hadane waxay madaxdaan isku muujiyeen calool furnaan iyo ballan daacad ah, waxaana Labadoodu yihiin shaqsiyaad horay loo soo tijaabiyey waxqabadkooda.
Sanadkaan 2016-ka dalka waxaa la filayaa iney ka dhacdo doorasho dadban, waxaana xilkaan u taagan musharraxiin aad u badan oo dhammaantood xilka madaxweyne raadinaye.