Oday dhaqameedyada Gobolka Hiiraan ee diidan shirka Jowhar ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Beledweyn inay dhisayaan Maamul goboleed gaar ah.
Kulan ay yeesheen oday dhaqameedyada gobolka Hiiraan, Guddoomiyaha Gobolka, siyaasiyiin iyo ururada bulshada rayidka ayaa waxay ku shaaciyeen in maalmaha soo socda dhisayaan Maamul cusub.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muddo gaaban lagu dhisi doono maamul goboleed gaar ah oo uu yeesho Gobolka Hiiraan.