Shalay oo kale Sanad ayaa ka soo wareegatay markii uu Hotelka Saxafi ee magalada Muqdisho oo weerar qaraxyo ah uu ku bilaawday ku geeriyooday Allaha u Naxariistee Halyeey Qaran taariikhdana baal dahab ah ka galay Marxuum Cabdikariin Yuusf Aadan oo loo yaqaanay (Dhagabadan)
Marxuumka ayaa waxa uu geeriyooday isagoo naftiisa difaacaya markii rag ka tirsan Al-shabaab ay werar ku qaadeen Hotelka Saxafi ee magalada Muqdisho oo uu degana isaga iyo Masuuliyiin kale waxana halkasi ku dhamaaday waqtiga Dhagabadan iyadoona bulshada Somaaliyeed ee maqlay geeridiisa ay aad uga naxeen.
Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhagabadan ayaa horay u ahaa Abaan-duulihii Ciidanka Xoogga dalka Somaaliya ayaa inta uu xilkaasi hayay waxa uu ku guuleestay in uu guulo farabadan usoo hooyay shacabka Somaaliyeed iyadoona Ciidanka xoogga dalka ay ku guuleesteen in Al-shabaab ay ka saaraan degmooyin farabadan.
Hadaba Maxaaa lagu xasuustaa Marxuum Dhagabadan waxaa ka sheekeynaya Ambasador Maxamed Xusen abuukar(Owliyo)