Magaalada Muqdisho maanta waxaa Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee General Maxamuud Maxamed Guuleed oo ahaa Talliyihii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Gudoomiyihii shirkadda Somali Airlines oo ku geeryoodey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Jeneraalka ayaa waxaa Aas Qaran loogu sameeyay xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Aaska Qaran ayaa waxaa ka qeyb galay Ku Simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro, xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.
Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cali ayaa ka sheekeeyay Taariikhda uu ka garanayo Marxuumka geeryoodey iyo howlihii uu ka soo qabtay Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliya.
Ku Simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in la cafiyo Marxuumka, sidoo kalena dadka Soomaaliyeed loogu baahan yahay in loo duceeyo.
Allaha u naxariistee Talliyihii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya General Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa 7-dii Bishan December ku geeryoodey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ka dib markii uu muddo ku Xanuunsanaayay Isbitaal ku yaalla Dalkaasi.
Duuliye Sare Jeneraal Marxuum Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa ku dhashay Tuulada Dacar buluq oo u dhow Magaalada Berbera ee Goboladda Waqooyiga Sanadku markuu ahaa 1943.
Hoos ka Daawo Sawirada, Kana Dhageyso Codka:-