Labo ruux oo ka mid ah Ganacsatada Suuq weyn degmada Wadajir ayaa Goordhow lagu dilay halkaasi sida xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Dilka ayaa waxaa ka dambeeyay Askar ka tirsan kuwa qaada Canshuurta ee ka howlgala Degmada Wadajir, waxaana dilka uu yimid kadib markii muran uu dhexmaray askarta iyo dadka shacabka ah ee Suuqa ku ganacsada.
Mid ka mid ah ganacsatada Suuqa weyn ee Degmada Wadajir, ayaa Risaala wuxuu u sheegay in qaar ka tirsan ganacsatada iyo Askartaan inay wada murmeen, xilli ciidamada ay qaadayeen lacagaha canshuuraha.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayay Askar sheegaysa in ay qaadayaan canshuur , waxaana arintaasi walaac ka muujiyay Shacabka Muqdisho.