DHAGEYSO:- Soomaali lagu xiray Suudaanta koofureed

0

Ayadoo dalalka Reer Galbeedka ay adkeeyeen xeerarkooda socdaalka ayaa qolyaha dadka tahriibiya ee Afrikada Bari waxay isku dayayaan inay helaan qaabab kale oo ay ku soo jiitaan dadka doonaya inay tahriibaan.

Dalka Suudaanta koofureed ayey u isticmaalayaan inay marin ka dhigtaan, halkaasoo lagu sameeyo dukumentiyo been abuur ah oo ah dukumentiyada dalalka qaarkood, si ay tahriibayaasha u gaarsiiyaan badda Mediterranean-ka.

Dhowr qof oo la sheegay inay mukhallasiin yihiin ayaa lagu xiray Suudaanta koofureed, kuwaasoo ay Soomaalina ku jiraan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Juba Xuseen Xaaji Axmed ayaa sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan labo qof oo Soomaali ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO