Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta dalka ka masaafurisay Labo nin oo Kenyan ah oo dalka sharci daro ku joogay kuna shaqeysanayay.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdalka iyo Jinsiyadda Qeybta Dabagalka ayaa gacanta ku soo dhigay labadan nin waxaana maanta dib loogu celiyay Dalka Kenya.
Hay’adda ayaa labadan nin ka mamnuucday in mar dambe ay dib ugu soo laaban karin dalka waxaana dhammaan Hay’adda lagu wargaliyay in ay ka feejignaadaan cid kasta oo dalka sharci daro ku joogta.
Hoos ka Daawo Sawirada:-