Madaxweynaha dowladda Ghana Nana Akufo-Addo ayaa magacaabay Wasiirada ugu tirada Badnaa Qaaradda Afrika.
Madaxweynaha ayaa magacaabay Gole Wasiiro ah ka kooban 56 Wasiir,50 Wasiir ku xigeen iyo 4 Wasiiro madaxtooyo, waxaana Wasiiradii ugu tirada badnaa ee Soomara Qaarada Afrika.
Dadka kunool dalka Ghana oo waxa ay gaarayaan 27 milyan oo Qof.
Wasiirada uu soo magacaabay ayaa u badan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Ghana.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale difaacay Wasiirada tirada badan oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin dowladiisa.
Waxa uu sheegay in shaqo la’aan ba’an ee haysata dhallinta dalkaasi ay tahay wax aad looga walaaco.
Akufo-Addo ayaa intaa ku daray in uu sameyn doono xafiis baaritaan ku sameeyo musuqa ka jira dalka, arrintaa oo qayb weyn ka ahayd ololihiisa doorashada.