DHAGEYSO:- Maamulka HirShabeelle oo go’aano Culus soo saaray

0

Maamulka Hirshabeelle oo ka mid ah Mamulada dalka ka jira ayaa waxa uu ka hadlay Kalluumeysiga sharci darada ah ee ka socda xeebaha Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maamulka Hirshabeelle Iidle Siyaar Sheekh Khaliif ayaa sheegay dadka in aysan u dulqaadan doonin dadka Kalluumeysiga sharci darada ah ka wada xeebaha Hirshabeelle.

Waxa uu sheegay dalka in aysan iska laheyn, biyahana aysan iska laheyn, sharcina aysan ku joobin, loona baahan yahay in ay si deg deg ah uga baxaan Biyaha Hirshabeelle.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maamulka Hirshabeelle Iidle Siyaar Sheekh Khaliif ayaa kalluumeysatada ugu baaqay marka in ay soo goostaan warqad sharci ah oo ay ka heystaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle.

Talaadadii ina dhaaftay ayay aheyd markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Hoos ka Dhageyso Codka:-